Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan

Date:

Muqdisho-Juun-25-6-2022-:Ururka Taliban ee xukuma Afghanistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey.

Ururka Taliban ayaa sheegay in sii deynta Asadullah Haroon, inay ka dhalatay “xidhiidh toos ah” oo ay arrintan ka yeesheen Maraykanka iyo ururka Taliban.

Maxbuuskan la sii daayey oo haatan ay da’diisu tahay 29 jir ayaa lagu wareejiyey saraakiisha Taliban ee ku sugan magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar, halkaas oo ururka Taliban ay ku leeyihiin xafiis diblomaasiyadeed.

 

Muhammad Rahim oo ah maxbuuska u dhashay Afghanistan ee xabsigaas ku hadhay ayaa lagu eedeeyey inuu xidhiidh aad u dhow la lahaa hoggaamiyihii ururka al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.

 

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in sii deynta Haroon ay daba socotay go’aan ka soo baxay maxkamadda Mareykanka oo ahaa in Pentagon-ka uusan hadda lahayn awood sharci ah oo ay ku sii hayn karto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...