SAWIRRO:Laamaha Amniga Degmada Deyniile oo xalay gacanta ku dhigay Dad isticmaalayey Maandooriyaal iyo Ciyaalweero.

Date:

Ciidamada Amniga Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir sida Nabad sugida,Booliska oo kaa shanaya Maamulka degmadaas ayaa xalay Howlgalo dad badan lagu qabtay Waxa ay ka sameyeen dhamaan xaafadaha Degmadaas.

 

Howlgalkaan waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha cusub ee dhawaan degmadaas loo Magacaabay Abdishakuur Abuukar Macalin iyo Taliyaasha Amniga Degmadaas.

 

Baaritaanadaan waxaa lagu soo qabtay  Dad isticmaalayey Maandooriyaal iyo Ciyaalweero kuwaas oo qayb weyn ka ahaa amni darada mararka qaar ka dhacda Degmadaas.

 

 

Gudoomiyaha  Degmada Deyniile ayaa yiri:Waxaan Bulshada ku nool Degmada Deyniile  kula dardaarmaynaa in ay nalaga shaqeeyaan sugida amniga iyo xasiloonida,Waxaan si gaar ah uga codsanaynaa waalidiinta dhalay dhalinyarada ku howlan falalka amniga lidi ku ah in ay caruurtooda kawarqabaan.

 

Gudoomiyaha oo sii hadlayey ayaa sheegay in ay la dagaalami doona wax walba oo Amniga Degmada wax u dhibaya sida:

  1. Ciyaal weerada.
  2. Maandooriyaha
  3. Nabad diidka.
  4. Tuugada umada dhacda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo kormeeray ciidanka XD ee ku sugan duleedka Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen...

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...