SAWIRRO:Madaxweyne Biden iyo xaaskiisa oo booqday dugsigii weerarku ka dhacay Ee gobolka Texas.

Date:

Madaxweynaha Dowadda Maraykanka Joe Biden iyo xaaskiisa Jill ayaa  booqday magaalada Uvalde ee gobolka Texas si ay beer nugeyl ugu muujiyaan xigtadii iyo dadkii ka badbaaday toogasho-wadareedkii u dambeysay ee dalka Maraykanka ka dhacda. Dhacdadaas oo toddobaadkii hore dhacay ayaa waxa ku dhintay 19 caruur iskuuley ah iyo labo macallin.

 

Reer Biden ayaa socod ku ag maray ubaxyo lagu maamuusayey dhibanayaasha meel ka baxsan dugsiga hoose ee Robb, iyaga oo mar mar joogsanayey si ay u taabtaan sawirada 21kii dhibbane oo meesha ku dhaganaa, magacyadoodana akhrinayey.

 

Xilli ay reer Biden tacsidaas gudbinayeen ayaa Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku ay shaaca ka rogtay in, ka dib codsi uga yimid duqa magaalada Uvalde, Don McLaughlin, ay dib u eegis ku sameyn doonto sidii booliisku uu uga jawaabay dhacdadii Talaadadii iskuulka ka dhacday. Wasaaradda ayaa sheegtay in la “eegi doono darsiga laga bartay iyo sida ugu wanaagsan ee dadka gurmadka ah loogu diyaarin karo sidii ay uga jawaabi lahaayeen markii qof hub wataa uu weerar soo qaado.”

 

Weerarkii Texas, saraakiisha booliiska ayaa aad la isku weydiiyey waxa ku keenay in hal saac wax ka badan ay ku qaadato in ninkii hubeysnaa ay ka hortagaan.

 

Madaxweynaha iyo xaaskiisa ayaa dhowr saacadood ku qaatay magaaladan yar ee dhinaca koonfurbari ku taalla, iyaga oo la hadlayey kuwa uu weerarku sida ugu daran u saameeyey, weerarkaas oo uu geystay wiil 18 jir ah.

 

Biden ayaa sidoo kale ka qeyb galay duco ka dhacday kaniisad mad-habta Katoliga ah, isaga oo sidoo kale la kulmay dadkii gurmadka ka qeyb qaatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...