SAWIRRO:Madaxweyne Biden iyo xaaskiisa oo booqday dugsigii weerarku ka dhacay Ee gobolka Texas.

Date:

Madaxweynaha Dowadda Maraykanka Joe Biden iyo xaaskiisa Jill ayaa  booqday magaalada Uvalde ee gobolka Texas si ay beer nugeyl ugu muujiyaan xigtadii iyo dadkii ka badbaaday toogasho-wadareedkii u dambeysay ee dalka Maraykanka ka dhacda. Dhacdadaas oo toddobaadkii hore dhacay ayaa waxa ku dhintay 19 caruur iskuuley ah iyo labo macallin.

 

Reer Biden ayaa socod ku ag maray ubaxyo lagu maamuusayey dhibanayaasha meel ka baxsan dugsiga hoose ee Robb, iyaga oo mar mar joogsanayey si ay u taabtaan sawirada 21kii dhibbane oo meesha ku dhaganaa, magacyadoodana akhrinayey.

 

Xilli ay reer Biden tacsidaas gudbinayeen ayaa Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku ay shaaca ka rogtay in, ka dib codsi uga yimid duqa magaalada Uvalde, Don McLaughlin, ay dib u eegis ku sameyn doonto sidii booliisku uu uga jawaabay dhacdadii Talaadadii iskuulka ka dhacday. Wasaaradda ayaa sheegtay in la “eegi doono darsiga laga bartay iyo sida ugu wanaagsan ee dadka gurmadka ah loogu diyaarin karo sidii ay uga jawaabi lahaayeen markii qof hub wataa uu weerar soo qaado.”

 

Weerarkii Texas, saraakiisha booliiska ayaa aad la isku weydiiyey waxa ku keenay in hal saac wax ka badan ay ku qaadato in ninkii hubeysnaa ay ka hortagaan.

 

Madaxweynaha iyo xaaskiisa ayaa dhowr saacadood ku qaatay magaaladan yar ee dhinaca koonfurbari ku taalla, iyaga oo la hadlayey kuwa uu weerarku sida ugu daran u saameeyey, weerarkaas oo uu geystay wiil 18 jir ah.

 

Biden ayaa sidoo kale ka qeyb galay duco ka dhacday kaniisad mad-habta Katoliga ah, isaga oo sidoo kale la kulmay dadkii gurmadka ka qeyb qaatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...