Xaalada bini-adanimo dadka ku nool Tuulooyin hoostaga Degmada Mahadaay oo laga deyrinaayo.

Date:

Waxaa laga deyrinayaa xaaladda bini-adanimo dadka ku nool Tuulooyin hoostaga Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo uu ka dilaacay xanuunka shuban biyoodka.

In ku dhow 50-ruux ayaa ilaa iyo muddo saddex bilood ah ugu geeriyootay cudurka shuban biyoodka deeganada kala Kulmis, shiidle-bari, Buurfuule iyo Diin-laawe oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

 

Deegaanadan waxaa si daran u saameeyay abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

 

Sidoo kale, waxaa jira dad cudurka soo riday kuwaas oo la gaarsiiyay Cisbitaalka Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, halkaas oo lagu baxnaaninayo xaaladooda caafimaad.

 

Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay SONNA ayaa xaqiijiyay in ay xaalado bini-adanimo oo daran oo sababtay abaartu ay ka jiraan deegaanada hoostaga degmadaas,islamarkaana ku dhowaad dad gaaraya 50-qof ay cudurka shuban biyoodka iyo cuduro kale ugu geeriyoodeen deegaanada hoostaga degmada Mahadaay.

 

 

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in biyo yari ka jirta darteed ay dadka isticmaalaan biyo wasaqeysan gaar ahaan dadka ku nool jiinka wabiga, taas oo sababtay in cudurka shuban biyoodku si xoog ah ugu faafo iyo cuduro kale deegaanadaas, dadkana la geynayo xarumo caafimaadka oo deegaanka ka fog si loogu helo daryeel caafimaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...