Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo aqbalay kala diristii Raisulwasare Rooble.

Date:

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT waxa uu uga mahadcelinaynaa Ra’iisulwaasaraha JFS Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble magacaabistiisii guddiyo aqoon durugsan u leh maamulka doorashada, si dhabar adayg leh oo hufnaani ku dheehantahay ku maamulay doorashadu intii ay socotay. Sidoo kale hagistiisii iyo iyo garab istaaggii uu muujiyey waqtiyadii adkaa ee doorashada oo aan la’aantiis la dhaqaajin kareen laga gudbi kareen culeysyo badan oo soo food saaray doorashada Dalka.

Guddigu wuxuu sidoo kale uga mahadnaqayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyeyaashii doorashada sidii wanagaasaneyd ee ay u garab istaageen una dhiirrigeliyeen mudadii ay doorashadu socotay.

Guddigu wuxuu ugu danbeyn u mahadcelinayaa dhammaan guddiyada doorashada Heerarkooda kala-geddisan sidii kartida lahayd ee ay ugu hagar baxeen shaqadii loo igmaday ee caqabadaha kala duwan huwanayd oo isugu jiray mid dhaqaale, mid mid siyaasadeed, kuwo amni intaba.

Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumaddaba in Alle u fududeeyo waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, dalkana ku hoggaamiyaan si hufan oo keeni karta xasillooni, horumar iyo barwaaqo, si nidaamkeenna dowladnimo u noqdo mid hana qaada.

Gabogabadii waxaan Soomaaliya u rajeynaynaa inay abuurto hannaan doorasho uu shacabka u dhaweynaya dhabbaha rasmiga ah ee ay ku dooran karaan cidda ku metalaysa golashaasha dowladda heerarkeeda kala duwan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hay’adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka...