Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo deegaan katirsan gobolka shabeelada dhexe ku qabtay xubno katirsan Al-shabab.

Date:

Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Degaanka War-ciise ee gobolka Shabeelaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheeysan kaasi oo ay ku baacsanayeen maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa khasaare xoogan lagu gaarsiiyay nabadiidka iyadoo laga gubay xarumihii ay ku lahaayeen degaanka,
Sida saldhigii maxkamad beenaadki ay ku dhibaateeynjireen dadka shacabka ah.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa argagixisada ka soo furtay hub iyo gaari nooca Homay da loo yaqaan oo ay adeegsan jireen iyadoo laga dilay ku dhawaad 7 maleeshiyaad ah sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen:Odowaa Yuusuf Raage
Taliyaha ayaa intaas ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortaga dhagarta argagixisada ay u soo maleegaan Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...