Madaxweynaha JFS iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo kawada hadlay iskaashiga labada dal.

Date:

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony J. Blinken iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wada hadlay khadka isgaadhsiinta, iyadoo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanku uu hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Ned Price, labada masuul ayaa ka wadahadlay danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Maraykanka iyo sida Soomaaliya looga taageerayo jidka ay u hayso dhinaca dimuqraadiyadda iyo xasiloonida.”

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Ned Price oo sharraxaad ka bixinaya qodobada ay ka wadahadleen xoghayaha arrimaha debedda Maraykanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “Waxa ay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siyaasadeed, horumarinta ciidamo amni oo la wareegi kara mas’uuliyadda howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, iyo dib u habeynta dhaqaalaha, ee lagama maarmaanka u ah dhameystirka waddada deyn cafinta ee Soomaaliya.”

 

Wuxuuna Ned Price hadalkiisa sii raaciyey “Isagoo [xoghaye Blinken] xusaya go’aankii dhawaan Madaxweyne Biden uu ku sheegay in si joogto ah Soomaaliya dib loogu celiyo ciidamada Maraykanka, xoghayuhu wuxuu u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya taageerada joogtada ah ee Maraykanka ee dadaalka ay dowladda Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika ugu jiraan la dagaalanka khatarta kooxaha argagixisada ah

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...