Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS Cumar Cali rooble oo shir-jiraaid ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in 309 shirkadood oo sanadkaan 1443 Hijriya soo codsatay adeegyada xajka ay kasoo gudbeen 63 shirkadood oo buuxiyay shuruudihii ay soo saareen guddiga ay wasaaraddu u saartay tartansiinta shirkadaha daabulaya Xoojeyda Soomaliyed.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS Cumar Cali Rooble ayaa tilmaamay in markii hore ay xujeydu la kulmi jirtay dayacaad dhanka adeegga ah taas oo uu sheegay in ay wax badan ka qabteen.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay iney kula xisaabtami doonaan shirkadaha aan si wanaagsan ugu adeegin xujeyda Soomaaliyeed oo daruufo badan kala kulmi jiray shirkadaha.