Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiintii ay hoggaaminaysay Dr. Catherine Sozi, madaxa gargaarka bini’aadannimada ee hay’adaha Qaramada Midoobay oo ay weheliyaan safiiradda 5 waddan iyo hay’adaha deeq-bixiyayaasha.
Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta usoo bandhigay qorshayaasha xukuumadda ee ku wajahan dhinaca wax-soo-saarka beeraha iyo xaaladda barakacayaasha oo ay sheegeen masuuliyiintu in ay xukuumadda ku taageeri doonaan dadaalka ay waddo..
Kulankaan ayaa kusoo aaday iyadoo shalay madaxweynaha gobolka soomaalida itoobiya oo kulan looga hadlayey wax ka qabashada barakacayaasha ku sugan deegaanada ismaamulkaas la qaatay,Safiirka dowladda germany ee itoobiya iyo wakiilka hay’adda UNHCR .