DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka jubbland oo sheegay in qorshe u hayaan dib u heshiisiinta bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka Gedo oo muddo qilaaf uu ka taagnaa iyaga maamulka Jubbaland.

Date:

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan oo wareeysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qorshe u hayaan dib u heshiisiinta bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka Gedo oo muddo qilaaf uu ka taagnaa iyaga maamulka Jubbaland.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland  ayaa sheegay in dhawaan gaari donaan gobolka Gedo si arintaan dib u Heshiishiinta loo dardargaliyo ,waxaana uu Tilmaamay in arintaan xalinta qilaafka Gedo la kaashan donaan madaxweynaha cusub ee dalka Hassan sheikh Maxamuud.

 

Hadalka madaxweyne ku xigeenka ayaa yimid iyadoo maalin ka hor uu Madaxweynaha Jubbaland tilmaamay in la fasaxay adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayirnaa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo isla markana aanay jirin maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya.

Codka Madaxweyne ku xigeenka  halkaan ka dhageyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku khaarijiyay Horjooge Khawaarij ah

Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo...