SAWIRRO-Degmada Doollow ee gobolka Gedo waxaa ka qabsoomay kulan looga hadlayay amniga labada dhinac ee Deegaanka Soomaalida iyo gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Date:

Magaalada  Doollow ee gobolka Gedo Soomaaliya waxaa ka qabsoomay kulan looga hadlayay amniga labada dhinac ee Deegaanka Soomaalida iyo gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid looga hadlay xoojinta amniga xudduudaha ay labada dal wadaagaan maadaama arrimaha nabadgalyadu ubaahan yihiin xidhiidh iyo iskaashi joogto ah, sidii loo sii adkayn lahaa xaaladda amni ee labada dhinac iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac ayaa waxaa dhanka Deegaanka Soomaalida ka socday wafdi ballaadhan oo ka koobnaa hoggaanka Nabadgalyada DDS, madaxa Arrimaha Xisbiga Barawaaqo ee Soomaalida, Guddoomiyaha gobolka Liibaan, maamulka degmada Doollo-addo, hay’adaha kala duwan ee amniga gobolka Liibaan, halka dhanka maamulka gobolka Gedona ay ka socdeen qaar ka mid ah maamulka gobolka Gedo, maamulka degmada Doollow Soomaaliya, Hay’adaha kale duwan ee amniga Soomaaliya.

Gabo’gabadii kulanka ayaa la isla qaatay in si wadajir ah looga qeyb-qaato sugidda amniga xudduuda labada wadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...