Bosnia oo diiday in ay taageerto cunaqabateynta Midowga Yurub ay kusoo rogeen Ruushka

Date:

Hogaamiyaha Bosnia Milorad Dodik ayaa u sheegay madaxweynaha golaha Yurub Charles Michel in Bosnia ay u baahan tahay inay ilaaliso dhexdhexaadnimada oo aysan ku biirin cunaqabataynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah Ruushka .

Waxaa uu sheegay in dalkiisa uusan cidna ku raaci doonin in cunaqabateyn la saaro, islamarkaana uu dhexdhexaad ka noqon doono xaaladda Ukraine.

“Waxaan u maleynayaa inay muhiimadda ugu weyn u leedahay Bosnia inay ahaato dhexdhexaad,” Dodik ayaa ka sheegay shir jaraa’id.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Xaalada aan ku jirno, waxay nagu noqon doontaa dhibaato inaan ku soo rogno nooc kasta oo cunaqabatayn ah oo aan ku biirno EU ama cunaqabatayn caalami ah.”

Dalalka Yurub ayaa intooda badan go’aansaday in ay cunaqabateyn kusoo roggaan dalka Ruushka ka dib markii uu weerar ku qaaday dalka Ukraine.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...