Dowladda federalka ย Ethiopia ayaa todobaadkii hore xabsiga dhigtay jeneraal caan ah oo dhaliili jiray xukuumadda Raโiisul wasaare Abiy Ahmed.
Sarreeye Guuto Tefera Mamo ayaa jimcihii shalay maxkamad la hor-keenay kadib markii todobaadkii hore loo xiray arrimaha siyaasadeed.
Jeneraal Tefera wuxu soo noqday taliyaha ciidanka Amxaarada tan iyo bishii February ee sannadkan markaas oo xilka laga xayuubiyay.
Tefera Mamo ayaa wareysi uu Axaddii hore bixiyay wuxu ku dhaliilay istiraatiijiyadda dagaal ee Abiy Ahmed ku wajahayo xoogagga Tigray ee TPLF.