Galmudug oo Caawa shaacisay magacyada 36-qof oo Galmudug u aqoonsatey dambiilayaal.

Date:

Taliska Booliiska maamulka Galmudug ayaa Caawa shaaciyey magacyada 36-qof oo Galmudug U aqoonsatey in ay yihiin dambiilayaal, kuwaa oo la Farey laamaha amniga ee Galmudug iyo Muumalada kaleba in ay gacan ka geystaan soo Qabashadooda.

Ragan la baadi goobayo ee baxsadka ah waxaa Ugu horeeya sida qoraalka la baahiyey ku cad Hoggaamiyihii kooxda la baxdey Ahlusunna Sheikh Shaakir iyo 35 kamid ah horjoogayaashii Ciidankiisa.

Xubnahan la shaaciyey ayaa qayb ka ahaa Horjoogayaasha baxsadka ah ee kooxda la baxday Ahlusunna oo qaarkood lasoo wariyey in ay Gaareen Deegaanada Puntland, halka kuwo kale u firxadeen Muqdisho iyo Dowlad deegaanka Soomaalida.

Maalmo ka hor kooxdaan ayaa weerer culus ku Qaaday Magaalada Dhuusamareeb kuwaas oo waxyeelo ka soo Gaartay Dad Shacab ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...