Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS oo maanta la wareegay Deegaanka Ceel baraf ee gobolka shabeeladda Dhexe.

Date:

Wararka naga soo gaaraya deegaanka ceel Bara fee gobolka shabeelada dhexe ee maamulka Hiirshabelle ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo garab sanaya  kuwo Xooga Dalka  Soomaaliya iyo maamulka Hiirshabelle ayaa dib ula wareegay degaankaas oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo laba todobaad ka hor ay la wareegeen Argagixisada Maleeshiyaadka  Al-Shabaab.

Ka hor la wareegitaanka degaanka Ceelbaraf Ciidamada huwanta ah ayaa waxaa jirtay inay madaafiic ku duqeeyeen degaanka, waxaana diyaaradaha kuwa Qumaatiga u kaca ee Helacopter-ka ay ku dageen Xerada Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, iyaga oo aan wax iska caabin ah la kulmin.

Dadka degaanka Ceelbaraf ayaa ku waramaya in Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan kana yimid dhinaca degaanka Miirtuugo ay iyana soo galeen degaanka Ceelbaraf kadib markii ay isaga baxeen argagixisadii Al-Sbabaab.

Ciidamada Dowladda iyo howlgalka ATMIS ayaa wada baaritaano lagu baadi goobayo argagixisadii maleeshiyaadkooda kuwaas oo ku firxaday baadiyaha deegaankaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...