Raโ€™iisul Wasaarihii hore ee Pakistaan oo sheegay inloo qorsheeyey isku day dil.

Date:

Ammaanka raโ€™iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa aad loo adkeeyey, ka dib markii uu sheegay in la qorsheeyey, isku day dil, oo la doonayey in isaga lagu khaarajiyo. Xafiiska raโ€™iisal wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in uu faray laamaha kala duwan ee dawladda, inay sugaan ammaanka raโ€™iisal wasaaraha hore, xilliyada uu ku sugan yahay isu-soo baxyada kala duwan iyo shirarka waaweyn.

Xisbiga raโ€™iisal wasaarihii hore ee Pakistan ayaa abaabulay isu soo baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dawladda dalkaas ka arrimisa, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu baarlamaanka dalkaasi xilka ka qaaday Imran Khan iyo xukuumaddiisa, waxaana lagu bedelay raโ€™iisal wasaare Shehbaz Sharif.

โ€œGudaha Pakistan iyo weliba meelo debedda ah, ayaa la iigu maleegay shirqool khaarajin ahโ€ sidaas waxaa sheegay raโ€™iisal wasaarihii hore ee Pakistan oo ka soo muuqday isu soo bax ka dhacay magaalada Faisalabad.

โ€œWaxaan hayaa fariin muuqaal ah oo aan duubay, waxaanna ku hayaa meel ammaan ah. Haddii ay wax igu dhacaan, Ilaahay innaguma keenee, waxaa la sii baahin doonaa muuqaalkan duuban, halkaas oo aan ku faahfaahinayo dhammaan dhinacyada ku lugta lahaa isku dayga la doonayey in la igu khaarajiyoโ€ ayuu sii raaciyey Imran Khan, isaga oo aan faahfaahin dheeri ah bixinin.

Raโ€™iisal wasaaraha hore ee Pakistan ayaa ku adkaysanaya in lagu ciqaabay, inuu qaatay siyaasad dhex dhexaad ah oo ka madax banaan wadamada reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka, taas oo ay ka cadhoodeen safarkii uu ku tegey dalka Ruushka, hase ahaatee Maraykanka ayaa iska fogeeyey eedahaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale