Raisulwasaare Rooble oo u Hambalyeeyey Madaxweyne Hassan sheikh maxamuud.

Date:

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Raisulwasaraha Dalka mudane Mohamed Hussein Rooble ayaa lagu yiri-Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo uu maanta doortay BFS labadiisa aqal.

Madaxweyne Xasan waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha la doortay uu dalka ku hoggaamiyo hannaan wax ka tara xaqiijinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, soo celinta kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay, kordhinta adeegyada bulshada, hagaajinta xiriirka dibadeed ee dalka, qabyo-tirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waa mahadsan yihiin xildhibaannada Soomaaliyeed oo maanta codkooda dalka uga saaray xaaladdii hubanti la’aanta ahayd.

Maanta oo ku astaysan 15-ka May, Maalinta dhallinyarada iyo gobonimo doonka Soomaaliyeed, waxaan guushan taariikhiga ah ugu hambalyeynayaa dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo aan ka codsanayo in ay garab iyo gaashaan u noqdaan madaxweynaha la doortay si uu ugu guuleysto waajibaadka waaweyn ee hor yaalla.

Soomaaliya ha noolaato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...