Shirka  dib-u-eegista  Mashruuca Biyoole oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa maanta magaalada Garowe ka furay shirka  dib-u-eegista  Mashruuca Biyoole, kaasoo intii sanad iyo bar ah ka socday Maamul Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Koofur Galbeed, ayadoo wejigiisa labaad lagu soo dari doono Maamullada Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Mashruucan oo looga golleeyahay horumarinta biyaha, adkaynta hay’adaha Dowladda iyo ujeeddooyin kale oo lagu kaabayo adeegga beeraha ayaa lagu wadaa in uu soo dhammaado Janaayo, 2023.  Shirka maanta ka furmay magaalada Garoowe ayaa diiradda lagu saari doonaa wixii mashruuca ka qabsoomay iyo dar-dargelinta hawlaha dhimman.

Mashruucan ayaa qayb ka ah fulinta ahmiyadaha ku cad “Hannaanka ka-kabsashada iyo u adkaysiga abaaraha (RRF)” kaas oo ay Dowladdu dejisay sanadkii 2018.

Waxaa asna kalmado soo dhawen ah goobta ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda  Qorsheynta Puntland, Cabdikhafar Xaange, oo bogaadiyey habsami u socda mashruuca iyo guulaha laga gaaray, sida dhismaha biyo qabatinno dhowr ah, dhismaha xarumo Wasaaradeed iyo isku xirka Hay’adaha Dowladda labada heer.

Kulankaan oo socon doona 4 cisho ayaa laga soo saari doonaa warmurtiyeed ku qotonta qodobada ka soo baxay shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...