Taliyaha Guutada 6-aad,Qaybta 60-aad CXDS oo maanta gaaray Magaalada Dhuusmareeb “SAWIRRO”

Date:

Taliyaha Guutada 6-aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Adan Abshir Nuure ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusmareeb waxaan Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyey Saraakiisha Ciidamada Xoogga, Xildhibaano Wasiiro, Maamulka Caasidamada Galmudug, Waxgaradka iyo bulshada Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha ayaa Salaan Sharaf waxa uu ka qaatay Ciidamada Qalabka-Sida waxa uuna mid mid u salaamay dhammaan Dadkii Garoonka ku soo dhoweeyey waxa uu uga MahadCeliyey soo dhowaynta loo sameeyey.

Soo dhawayn ka dib waxaa loo soo Galbiyey Magaalada Dhuusamareeb oo uu ku sugnaan doono inta uu ku jiro howlaha Shaqo ee uu u yimid.Taliyaha ayaa howlo Shaqo u yimid Magaalada Dhuusamareeb ee Caasidamada Dowlad Goboleedka Galmudug waxa uuna kulamo kala duwan  la qaadan doonaa inta Dhuusamareeb uu ku sugan yahay Maamulka Galmudug Madaxdiisa iyo Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...