Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeeray waddooyinka ku yaala Gaalkacyo “SAWIRRO”

Date:

Iyadoo maalmaha soo socda lagu wado in magaalada gaalkacyo laga bilaabo dhismaha waddooyin laami ah,kuwaas oo qeyb ka ah mashriicda horumarinta dagmada ee JPLG  ayaa Maamulka Gobalka Mudug iyo kan dagmada gaalkacyo iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiinta Galmudug socod ku soo mareeyn waddooyinka. Duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo ugu horreyn kala hadlay warbaahinta ayaa sharaxaad guud ka bixiyay u jeedka kormeerka iyo baahida loo qabo bilowga mashaariicda horumarinta dagmada .

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa isna digniin u diray dadka dhismayaasha sharci darada ah ka sameeystay waddooyinka dhismaha laga bilaabayo .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Fedaraalka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug Warsame Faarax Cabdi ayaa sheegay in Wasaaradda ay xoogga saari doonto dhameystirka baahiyaha jira,isagoona xusay in ay la kaashan doonaan cid kasta oo ka gacan siineysa bulshada, Waxaa sidoo kale  looga baahan yahay in ay kaalintooda ka qaataan bulshada dagan Gaalkacyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...