Iyadoo maalmaha soo socda lagu wado in magaalada gaalkacyo laga bilaabo dhismaha waddooyin laami ah,kuwaas oo qeyb ka ah mashriicda horumarinta dagmada ee JPLG ayaa Maamulka Gobalka Mudug iyo kan dagmada gaalkacyo iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiinta Galmudug socod ku soo mareeyn waddooyinka. Duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo ugu horreyn kala hadlay warbaahinta ayaa sharaxaad guud ka bixiyay u jeedka kormeerka iyo baahida loo qabo bilowga mashaariicda horumarinta dagmada .
Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa isna digniin u diray dadka dhismayaasha sharci darada ah ka sameeystay waddooyinka dhismaha laga bilaabayo .
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Fedaraalka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug Warsame Faarax Cabdi ayaa sheegay in Wasaaradda ay xoogga saari doonto dhameystirka baahiyaha jira,isagoona xusay in ay la kaashan doonaan cid kasta oo ka gacan siineysa bulshada, Waxaa sidoo kale looga baahan yahay in ay kaalintooda ka qaataan bulshada dagan Gaalkacyo.