Kulankii labaad ee Qorshaha Waxbarashada Gobolka Banaadir oo la daah furay

Date:

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nuur ayaa daahfuray kulankii labaad ee looga arinsanaayo Qorshaha Waxbarashada Gobolka Banaadir ee 5ta sano ee soo socota (2022-2026).

Kulankaan oo ay soo agaasimeen Lataliyaha Qorshaha BESSP, Agaasimaha Qorsheynta iyo Siyaasadaha AWGB iyo khubaro kale ayaa waxaa wadatashigaan labaad loogu yeeray qeyb ka mid ah ardayda Gobolka Banaadir si ay talo ugu yeeshaan qorshahaan 5ta sano ee soo socota.

Agaasimka Waxbarashada Gobalka Banaadir wuxuu arrin muhiim ah u arkay in ardayda aragti ay ku yeeshaan codkooda iyo baahiyohoodana la dhagaysto, maadaama uu qorshuhu saamaynaayo ardayda.Kulanka waxaa lagu gorfeeyay arrimaha hortabinta u leh Waxbarashada Gobolka Banaadir 5ta sano ee soo socota.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...