Udiyaar Garowgii ugu danbeeyay ee Doorashada  GD Puntland oo heer geba gabo ah maresa

Date:

Waxaa soo dhamaaday Olalihii isu soo baxyada Ururada ee ay kula hadlayeen taageerayaashooda saddexdaani degmo, waxaa la diyaariyay Dhamaanba agabkii kala duwanaa ee doorashada iyo codbixiyeyaasha loogu talagalay iyadoo waqtiga codbixinta ay naga xigaan saacado kooban uun.

Guuleed Saalax Bare Guddoomiyaha Guddiga Ku Meel Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa bulshada Degmooyinkaaasi u soo jeediyay inay gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah codkoodana ku soo doortaan Ururka ay rabaan ilaaliyaana habraacyada Doorasho.

Ufayn ,Qardho iyo Eylba waxaa Gaaray Ciidamo Gaar ah oo loogu tala galay sugidda amniga Doorashada lana baray lamacaamilka Bulshada iyo ilaalinta agabka Doorashada waxaana Ciidamadaasi degmada Eyl kula dardaarmay Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cawil Mataan oo xusay in loo baahan yahay inay muujiyaan taxadar iyo u naxariisasho bulsho xilliga cod bixinta.

Doorashadan ayaa ka dhici doonta 54 xarumood oo ka tirsan Degmooyinka Eyl Qardho iyo Ufayn, waxaana Codayn doona dad tira ahaan Gaaraya 37,578 qof oo kala dooran doona 449 Musharax oo kala Matalaya urur siyaasadeedyada ku tarmaya doorashadan Hordhaca ah

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...