Ciidanka nabad sugida oo howlgalo lagu baacsanayo Al-Shabaab ka sameeyay gobolka Gedo

Date:

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgalo lagu sugayo amniga waxay ka sameeyeen deegaano hoos taga degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Howlgalada ayay ciidamada  si gaar ah kaga fuliyeen deegaanada Kamoroow Towsileey Qaniyaale iyo Deegaano Kale, halkaas oo ay maleeshiyada xoolo baad ah oo sakawaad ugu yeereen kaga uruursanayeen dadka deegaanadaas.

Maleeshiyadii Al-Shabaab ayaa goobta isaga cararay markii ay ka war heleen in ciidamada nabad sugida ku soo wajahan yihiin, kuwaas oo baxsadkood ciidamada ku daba jiraan.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan baacsiga nabad-diidka soona qab qaban doonaan si cadaaladda loo marsiiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...