Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo gaaray Jabuuti

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta gaaray Dalka Jabuuti, halkaa oo uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti , Mudane  Ismaan Ibraahim Rooble.

Wasiirka oo socdaal saddex cisho ah ku joogaya Jabuuti, ayaa waxa uu ka qeybgalayaa shirka heer Wasiir ee waddamada urur-gobolleedka IGAD, kaa oo looga hadlayo Shaqada, Shaqo abuurka iyo sidii waddamada IGAD ay si xor ah uga shaqeyn karaan muwaadiniinta shaqo doonka, iyadoo la dhowrayo xaquuqaha aasaasiga ah.

Mudane Cabdiwahaab Ugaas, ayaa shirka ka jeedin doona khudbad , uu diiradda ku saarayo iskaashiga Shaqo iyo shaqo abuur ee waddamada IGAD.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirweynahan 7aad ee Garsoorka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay Wafdiga Sanduuqa Horumarinta Sucuudi Carabiya

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabbilay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Ciidanka Boliiska oo gacanta kusoo dhigay Gaari laga soo buuxiyey Walxaha Qarxa

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,ayaa gacanta ku dhigeen Gaari laga soo...