Guddiyada doorashada SEIT Galmudug iyo FEIT oo gaaray Gaalkacyo (Sawirro)

Date:

Wafdi isugu jira guddiyada doorashada ee heer dowlad goboleed (SEIT) ee Galmudug iyo kan heer federaal (FEIT) ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, oo ah deegaan doorashada labaad ee xubnaha golaha shacabka ka soo gelaya deegaanada Galmudug.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug Maxamed Daahir Guuleed ayaa hoggaaminayey wafdigaas, waxaana lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, halkaas oo warbaahinta ay kula hadleen.

Guddoomiye Maxamed Daahir Guuleed ayaa warbaahinta u sheegay in Gaalkacyo ay u tageen dardargelinta Doorashada iyo diyaarinta goobaha lagu qabanayo doorashada xildhibaanada ka imaanaya Galmudug.

Sidoo kale waxa uu sheegay inta ay joogaan Gaalkacyo inay la kulamayaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaas.

Xubnaha SEIT ee Galmudug ku sugan waxaa ka mid ah Xoghayaha Guddiga Maxamed Qaasim, Maxamed Soomaali iyo Axmed Bukhaari.

Xubnaha ka socda Guddiga Doorashada heer Federaal ee Gaalkacyo gaaray waxaa ka mid ah Axmed Aadan Dagaal Safiina, Liibaan Axmed Xasan, iyo Cabdijibaar Cabdullaahi Faarax.

Dhawaan ayaa lagu wadaa inay dalka ka bilaabayo doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, waxaana gabagabo mareysa doorashada golaha Aqalka Sare oo lix xubnood oo kaliya ay ka dhimantahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...