Guddiyada doorashada SEIT Galmudug iyo FEIT oo gaaray Gaalkacyo (Sawirro)

Date:

Wafdi isugu jira guddiyada doorashada ee heer dowlad goboleed (SEIT) ee Galmudug iyo kan heer federaal (FEIT) ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, oo ah deegaan doorashada labaad ee xubnaha golaha shacabka ka soo gelaya deegaanada Galmudug.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug Maxamed Daahir Guuleed ayaa hoggaaminayey wafdigaas, waxaana lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, halkaas oo warbaahinta ay kula hadleen.

Guddoomiye Maxamed Daahir Guuleed ayaa warbaahinta u sheegay in Gaalkacyo ay u tageen dardargelinta Doorashada iyo diyaarinta goobaha lagu qabanayo doorashada xildhibaanada ka imaanaya Galmudug.

Sidoo kale waxa uu sheegay inta ay joogaan Gaalkacyo inay la kulamayaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaas.

Xubnaha SEIT ee Galmudug ku sugan waxaa ka mid ah Xoghayaha Guddiga Maxamed Qaasim, Maxamed Soomaali iyo Axmed Bukhaari.

Xubnaha ka socda Guddiga Doorashada heer Federaal ee Gaalkacyo gaaray waxaa ka mid ah Axmed Aadan Dagaal Safiina, Liibaan Axmed Xasan, iyo Cabdijibaar Cabdullaahi Faarax.

Dhawaan ayaa lagu wadaa inay dalka ka bilaabayo doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, waxaana gabagabo mareysa doorashada golaha Aqalka Sare oo lix xubnood oo kaliya ay ka dhimantahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka 7-aad...

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeeyay Toddobaadka Qaran ee Dhir-beerista

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka...

Ciidanka Xoogga oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay...