Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo maanta kormeeray Banggiga Dhexe ee Puntland

Date:

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray Banggiga Dhexe ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Banggiga Dowladda, isagoo u kuurgalay sida shaqadu u socoto, waxaana uu warbixin ka dhegaystay Guddoomiyaha Banggiga Dowladda iyo madaxda kale.

Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay masโ€™uuliyiinta Banggiga iyo shaqaalaha, wuxuuna faray in ay halkaasi kasii laba jiibaaraan adeega Banggigu u hayo dadweynaha .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale