Wasiirka Beeraha oo la kulmay Wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Cusub ee hay’adda cunada Adduunka WFP u qaabilsan Soomaaliya Mr. Elkhidir Daluum oo dhowaan la magacaabay, kaasi oo booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Wasaaradda.

Kulanka ay yeesheen ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Wasaaraddu ay la leedahay hay’adda WFP iyo sidoo kale sida loo sii ballaarin karo wada-shaqaynta labada dhinac

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay isku afgarteen xoojinta iyo dar dargelinta shaqooyinka gar gaarka ay hay’adda WFP ka qabato gudaha Soomaaliya.

Wakiilka Cusub ee Hay’adda cunadda adduunka WFP ee Soomaaliya Mr. Elkhidir Daluum ayaa balan qaaday inay sii xoojin doonaan howlaha ay ka qabtaan dalka, isagoo Madaxda Wasaaradda uga mahadceliyay wadashaqeynta dhaw ay la leeyihiin.

“Sharaf ayay ii tahay inaan mar kale fursad u helo ka shaqeynta Soomaaliya iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, waqtigan waa inaan meesha ugu hooseysa ee cunta yarida gaarnaa, kana qeyb qaadanao hormur iyo nabad waarta, Sidoo kale waxaan ka wadahalnay Wasiirka inaan sii xoojino xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha Qaranka”. ayuu yiri Mr. Elkhidir Daluum.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xaamud Cali Xasan iyo qaybo ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradda iyo sidoo kale ku-xigeenka u qaabilsanaha hay’adda cunada Adduunka WFP ee Soomaaliya mr. Baimankay Sankoh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...