Mareykanka oo qirtay in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Kabul ay carruur ku laayeen

Date:

Duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen magaalada Kabul bishii hore ayaa lagu dilay ilaa 10 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 7 carruur ah, sida ay sheegeen milatariga Mareykanka Jimcihii, iyagoo raaligelin ka bixiyay wax ay ugu yeereen “khalad naxdin leh”.

Waaxda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in weerarkii 29-kii bishii Agoosto lala beegsaday qof ismiidaamiye ah oo ka tirsan kooxda Daacish, kaas oo halis weyn ku ahaa ciidammada xulufada Mareykanka ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha markii ay dhammaystirayeen marxaladihii ugu dambeeyay ee ka bixitaankooda Afghanistan.

Laakiin markii ay soo baxeen warar sheegaya in dad rayid ah ay waxyeello soo gaartay, ayaa Jeneraalka ugu sarreeya Mareykanka wuxuu weerarkaas ku tilmaamay mid xaq ah.

Madaxa Taliska Dhexe ee Maraykanka, General Frank McKenzie, ayaa sheegay in xilligaas uu ku kalsoonaa in duqeyntu ay ka hortagtay khatar ku soo fool leh ciidamada ku sugan garoonka diyaaradaha.

“Baaritaankeennu wuxuu hadda ku soo gabagaboobay in duqeybtaas ay ahayd khalad naxdin leh,” ayuu McKenzie u sheegay wariyeyaasha.

Dilka dadka rayidka ah, oo ay fulisay duqeymaha diyaaradaha aan duuliye lahayn ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan mustaqbalka weerarada la-dagaallanka argagixisada Mareykanka ee dalkaas.

Reuters.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...