Seddax Senator oo lagu doortay Jowhar iyo wararkii u dambeeyey ee doorashada Aqalka Sare

Date:

Waxaa lasoo gabagabeeyey wajigii koowaad ee doorashada senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ka soo gelaya HirShabeelle, waxaana Jowhar lagu doortay seddax Senator oo kala ah Senator Muuse Suudi Yalaxow, Senator Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) iyo Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax.

Senator Muuse Suudi ayaa ku guuleystay kursiga 1-aad ee doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle, maadaama doorashada lagu bilaabay kursigii uu ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay.

Senator Muuse Suudi ayaa ka uuleystay Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo wareega labaad ay isugu soo hareen, kadib markii seddaxdii musharax ee kale ay ku hareen wareegii koowaad. Muuse Suudi ayaa helay 55 cod, halka Axmed Daaci uu ka helay 43 cod.

Dhanka kale Senator Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) ayaa noqday Senatorka labaad ee laga soo doortay HirShabeelle, waxuuna ku soo baxay 78-cod, halka Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax ay noqotay Senatorka seddaxaad ee lagu doortay Jowhar, sidoo kale waa gabadhii u horeysay oo HirShabeelle ka soo gasha Aqalka Sare ee dalka.

Berri waxaa lagu wadaa in Jowhar ay ka dhacdo doorashada seddax kursi oo kale, halka maalinka xiga la dooranayo labada kursi ee u dambeysa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...