Seddax Senator oo lagu doortay Jowhar iyo wararkii u dambeeyey ee doorashada Aqalka Sare

Date:

Waxaa lasoo gabagabeeyey wajigii koowaad ee doorashada senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ka soo gelaya HirShabeelle, waxaana Jowhar lagu doortay seddax Senator oo kala ah Senator Muuse Suudi Yalaxow, Senator Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) iyo Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax.

Senator Muuse Suudi ayaa ku guuleystay kursiga 1-aad ee doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle, maadaama doorashada lagu bilaabay kursigii uu ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay.

Senator Muuse Suudi ayaa ka uuleystay Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo wareega labaad ay isugu soo hareen, kadib markii seddaxdii musharax ee kale ay ku hareen wareegii koowaad. Muuse Suudi ayaa helay 55 cod, halka Axmed Daaci uu ka helay 43 cod.

Dhanka kale Senator Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) ayaa noqday Senatorka labaad ee laga soo doortay HirShabeelle, waxuuna ku soo baxay 78-cod, halka Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax ay noqotay Senatorka seddaxaad ee lagu doortay Jowhar, sidoo kale waa gabadhii u horeysay oo HirShabeelle ka soo gasha Aqalka Sare ee dalka.

Berri waxaa lagu wadaa in Jowhar ay ka dhacdo doorashada seddax kursi oo kale, halka maalinka xiga la dooranayo labada kursi ee u dambeysa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...