Madexweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoosiga ka Guddoomay Danjiraha Dalka Sweden “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee Boqortooyada Sweden u soo magacawday Soomaaliya Mudane Per Lindgarde.

Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Per Lindgarde oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Lindgarde ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi,  is-ixtiraam si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada amniga, gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha, maalgashiga, horumarinta iyo arrimaha bulshada.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Danjiraha Cusub ee Sweden ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in uu soo dhoweyn wanaagsan kala kulmi doono shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...