Doorashada qaar kamid ah kuraasta Aqalka Sare oo ka dhaceysa Jowhar

Date:

Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa lagu wadaa in Xildhibaannada Baarmaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ay doortaan Xubno kamid ah Xildhibaannada Hir-Shabeelle ku matala Aqalka Sare .

Shalay 27 musharax oo ku tartamaya 8 kursi oo kamid ah Aqalka Sare ayaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle waxaa ay u jeediyeen khudbadahooda musharaxnimo, iyaga oo soo bandhigay waxyaabaha uu qof walba qaban doono hadii uu guuleysto.

Saddex kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Hir-Shabeelle ayaa doorashadoodu tahay mid xiiso gaara leh, waxaana difaacanaya Sanoterada kala ah, Muuse Suudi Yalaxoow, Dr Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Naciimo Ibraahim, kuwaas oo ku fadhiyay kuraastaan Afartii sano ee la soo dhaafay.

27 Musharax ee ku tartami doona 8 kursi ee Maamulka Hir-Shabeelle ku matalaya Aqalka Sare ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

1. Muuse Suudi Yalaxow

2. Cabdullahi Sheekh Xasan

3. Axmed Xasan Cadow Daaci
4. Dr. Xasan Cadaay Cali

1. Maxamed Amiiin Sheekh Cusmaan oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursigaan

2. Daaha Muhudiin Sheekh Daa’uud

3. Axmed Maxamed Cal (Afcadeey)
4. Yussuf Macallin Xasan (Filla-Dheere)

1. Maxamed Axmed Nuur (Tarsan)

2. Raage Xasan Cusmaan (Xuut))

3. Dr. Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle)

1. Prof. Maxamed Cusmaan Dhega-Juun
2. Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)

1. Call Shacbaan Ibraahim

2. C/Qaadir Xanafi Sheekth Bashir

3. Cabdullahi Axmed Tawaad

4. Caasho Xuseen Abuukar

5. Cabdalle Cabdi Xuseen

1. Xasan lidow Muxumed Kobac

2. Cusmaan Axmed Macow

3. Cabdinuur Ibraahim Nuur

1. Fartuun C/Qaadir Faarah Karaama

2. Sacdlya Yarrow Aadan

1. Nacimo Ibraahim Yuusuf

2. Zamzam Cabdullahi
Xuseen

3. Maxamed Macallin Xasan Kulmiye

4. Abuukar Xasan Call ( Maqaneey

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Goobta doorashada goobjoog ka noqon doona Xubno ka socda Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo xalinta khilaafaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...