Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Ololaha Wacyigelinta Bulshada ee xakamaynta iyo ka hortagga COVID-19 ka bilowday Qardho “SAWIRRO”

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Olole wacyi-gelineed oo ku saabsan ka hortaga iyo xakamaynta caabuqa COVID-19 ka bilawday degmada Qardho, kaas oo socon-doona mudo todobaadyo ah,waxaana diiradda lagu sarayaa sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada Qardho ee ka hortaga caabuqa Covid-19, kaas oo saamayntiisa ay sare u kacday guud ahaan Puntland bilihii la soo dhaafayna galaaftay nolosha dad badan.

Ololahaan waxaa fulinaya Wasaaradda caafimaadka Puntland oo gacan ka helaysa Hay’adda badbaada catruurta ee Save the Children, waxaana qorshahu yahay mid lagu baraarujinayo si bulshada looga wacyigeliyo khatarta xanuunkaa uu leeyahay.

Bahda caafimaadka ayaa bilaabay wacyi-gelino ka kooban baahinta fariimo ka baxaya Telefishinada, idaacadaha iyo baraha bulshada, kuwaas oo dadka lagu barayo noocyada xanuunkaan, ahmiyadda qaadashadaa talaalka COVID-19 iyo sidoo kale booqasho lagu tagayo goobaha ay bulshada isugu timaado sidda iskuulada, suuqyada iyo xaafadahaba.

Barnaamijkaan waciyigelinta COVID-19 waxa shalay lagu tegay dugsigga sare Sheekh Cismaan Cumar Shabeel iyo iskuulka hoose/dhexe ee Xaaji Cismaan Xorgoble waxaana ugu horayn ardayda la hadlay agaasimaha cusbitaalka Guud ee Qardho Dr Jaamac Ildab iyo bahda caafimaadka ee ka shaqaynaya ololahaan wacyi-gelineed, iyaga oo la wadaaggay taariikhda xanuunkaan, Calaamadihiisa, saamayntiisa, sidda looga hortagi karo, muhiimada qaadashadda talaalka COVID-19, joogtaynta af-xirka (Facemask), fara-dhaqashada, joojinta salaanta gacan-qaadka iyo ilaalinta kala-durugsanaanta.

Maamulayaasha iskuulada iyo qaar ka mid ah bulshada ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Caafimaadka oo fulinaysa barnaamijkaan, waxayna balan-qaadeen in ay ka qayb-qaadan wacyi-gelinta bulshada, iyana ku dhaqmi doonaan fariimaha caafimaad ee la soo gaarsiiyay.

Kooxahan ayaa sidoo kale lug ku tagay xaafadaha magaalada, iyaga oo guri guri u gaaracay si dadka loo fahan-siiyo sidda ugu fudud ee xanuunka COVID-19 looga hortagi karo faafidiisa, loona xakamayn karo, waxana sidoo kale xoojinayeen ololaha wacyi-gelinta iyaga oo adeegsanaya cod-baahiye gawaari ku xiran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen oo ka warbixiyey xaallada ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Yemen

Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjire Cabdixakiin Xaaji Maxamed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado sharaf ah ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...