Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Ololaha Wacyigelinta Bulshada ee xakamaynta iyo ka hortagga COVID-19 ka bilowday Qardho “SAWIRRO”

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Olole wacyi-gelineed oo ku saabsan ka hortaga iyo xakamaynta caabuqa COVID-19 ka bilawday degmada Qardho, kaas oo socon-doona mudo todobaadyo ah,waxaana diiradda lagu sarayaa sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada Qardho ee ka hortaga caabuqa Covid-19, kaas oo saamayntiisa ay sare u kacday guud ahaan Puntland bilihii la soo dhaafayna galaaftay nolosha dad badan.

Ololahaan waxaa fulinaya Wasaaradda caafimaadka Puntland oo gacan ka helaysa Hay’adda badbaada catruurta ee Save the Children, waxaana qorshahu yahay mid lagu baraarujinayo si bulshada looga wacyigeliyo khatarta xanuunkaa uu leeyahay.

Bahda caafimaadka ayaa bilaabay wacyi-gelino ka kooban baahinta fariimo ka baxaya Telefishinada, idaacadaha iyo baraha bulshada, kuwaas oo dadka lagu barayo noocyada xanuunkaan, ahmiyadda qaadashadaa talaalka COVID-19 iyo sidoo kale booqasho lagu tagayo goobaha ay bulshada isugu timaado sidda iskuulada, suuqyada iyo xaafadahaba.

Barnaamijkaan waciyigelinta COVID-19 waxa shalay lagu tegay dugsigga sare Sheekh Cismaan Cumar Shabeel iyo iskuulka hoose/dhexe ee Xaaji Cismaan Xorgoble waxaana ugu horayn ardayda la hadlay agaasimaha cusbitaalka Guud ee Qardho Dr Jaamac Ildab iyo bahda caafimaadka ee ka shaqaynaya ololahaan wacyi-gelineed, iyaga oo la wadaaggay taariikhda xanuunkaan, Calaamadihiisa, saamayntiisa, sidda looga hortagi karo, muhiimada qaadashadda talaalka COVID-19, joogtaynta af-xirka (Facemask), fara-dhaqashada, joojinta salaanta gacan-qaadka iyo ilaalinta kala-durugsanaanta.

Maamulayaasha iskuulada iyo qaar ka mid ah bulshada ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Caafimaadka oo fulinaysa barnaamijkaan, waxayna balan-qaadeen in ay ka qayb-qaadan wacyi-gelinta bulshada, iyana ku dhaqmi doonaan fariimaha caafimaad ee la soo gaarsiiyay.

Kooxahan ayaa sidoo kale lug ku tagay xaafadaha magaalada, iyaga oo guri guri u gaaracay si dadka loo fahan-siiyo sidda ugu fudud ee xanuunka COVID-19 looga hortagi karo faafidiisa, loona xakamayn karo, waxana sidoo kale xoojinayeen ololaha wacyi-gelinta iyaga oo adeegsanaya cod-baahiye gawaari ku xiran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...