Taliban oo dagaal kula jirto mucaarad hubeysan oo ka jira Afghanistan

Date:

Dagaal qaraar oo u dhexeeya Taliban iyo koox mucaarad ku ah xukunkooda ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacayaan gobolka Panjshir ee dalka Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha Taliban.

Maxamed Jalaal oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Taliban ayaa Twitter soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in Taliban la wareegtay saldhigyo kooxda mucaaradka ah ku laheyd dooxada Panjshir.

Waxaa uu sheegay “dowladda ayaa la wareeegtay daraasiin saldhigyo ah”, laakiin ilaa iyo hadda ma jiro ilo madaxa banaan oo xaqiijiyay sheegashada Taliban.

Dooxada Panjshir oo ay ku yaalaan buuraha Hindu Kush ayaa dhacda waqooyiga caasimadda Kabul, waxayna xukun u tahay wax iska caabinta dalkaas.

Ilaa bartamihii bishii hore halkaas, waxaa isku uruursanayay koox mucaarad ku ah Talian oo uu hjogaamiyo Axmed Mascuud oo ah wiilka dagaalyahankii ku caan baxay wax iska caabinta dalka Afghanistan Axmed Shah Mascuud.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...