Soomaali oo dil iyo dhaawacyo loogu geystay Canada

Date:

Wararka aan ka heleyno dalka Canada, waxay sheegayaan in rag hubeysan ay gudaha magaalada Toronto ee dalka Canada dil iyo dhaawac ugu geysteen dad Soomaaliyeed oo qaxootimo ku deganaa dalkaas.

Ragga hubeysan oo watay gaari ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen goob ay ku sugnaayeen dhalinyaro Soomaali ah, waxaana halkaas lagu dhaawacay seddax wiil oo mid goor dambe uu dhaawacaas u geeriyooday.

Sahal Maxamed Sahal, ayaa magaciisa naloogu sheegay wiilka Soomaaliyeed ee dhaawaca ka soo gaaray weerarkaas ugu geeriyooday dalka Canada, halka labada qof oo kale ay dumar yihiin, kuwaas oo dhaawacyadooda lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla magaalada uu weerarkaan ka dhacay ee Toronto.

Aabaha dhalay wiilka la dilay ee Sahal Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay in uusan ogeyn cadaw gaar ah oo uu lahaa wiilkiisa, qadartana uu aaminsan yahay, isla markaana ay meydka wiilkiisii Sahal ku soo aaseen qabuuro ku yaalla magaalada Toronto, sidoo kale Aabe Maxamed, waxa uu sheegay in laamaha amniga magaalada ay wadaan baaritaano la xiriira dilka wiilkiisa, balse illaa hadda aysan jirin wax xiriir ah oo ay la soo sameeyeen mas’uuliyiinta dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...