Wasaaradda Shaqada oo dalbatay in la talaalo dhammaan shaqaalaha dowladda

Date:

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay dhammaan hey’adaha kala duwan ee dowladda ugu wargelineyso inay talaalaan shaqaalahooda, maadaama ay sii kordheyso khatarta cudurka Covid19.

Sidoo kale warqada wasaaradda waxaa lagu cadeeyey in shaqaalaha aan la fasixi karin xilligaan oo ay khasab tahay inay xaadiraan xafiisyada oo shacabka ay u shaqeeyaan.

“Waxaa lala socodsiinayaa dhammaan hey’adaha dowladda in guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda uu wasaaradda caafimaadka kala shaqeyn doono sidii dhamaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay u qaadan lahaayeen talaalka Covid19,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Hoos ka akhriso

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

Muqdisho, Jimco, 20-ka Febraayo 2026 1'Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday Heshiis Dekadaha iyo Gaadiidka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka...