Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Turkiga uga qeyb galay xaflad tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan CXD

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ahna Senatorka la soo doortay ayaa dalka Turkiga kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu Soo Xerayay saraakiil ka qalin Jabisay Akadeemiyadda Ciidanka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Dalka Turkiga oo ay ka mid yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS.

Waxaa munaasabadda ka soo qeybgalay Madaxweynaha Dalka Turkiga iyo Xubno ka tirsan Xukuumadiisa, Sidoo kale Waxaa bilado iyo Shahaadooyin la gudoonsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Turkiga.

Intii munaasbadda Socotay Wasiirka Wsaaradda Gaashaandhigga XFS Avv. Xasan Xuseen Xaaji ahna Senatorka la soo doortay ayaa Shahaado Sharaf gudoonsiiyay qaar ka mid ah Saraakiisha ka tirsan Ciidanka XDS ee Tababarka usoo idlaaday, gaar ahaan Saraakiisha muujiyay howlkarnimo iyo dadaal intii ay ku jireen Akadeemiyadda.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa Dowladda Turkiga ugu Mahadceliyay Tababaradda iyo taageerida ay la garab taagantahay ciidanka XDS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...