Wasiiro ka tirsan Dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya oo soo gaaray degmada Xuddur

Date:

Wafdigaan heer Wasiir ah oo lagu soo dhoweeyey magaalada Xuddur ayaa waxa horkacayay wasiirka Cadaalada iyo garsoorka dowlad goboleedka koonfur galbeed Xasan Ibraahim Lubuur oo ay whliyaan Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta koonfur galbeed Saalax Shariif Siidkayย  iyo guddoomiyaha gobolka Bakool Shiine Macalin Nuur.

Soo dhoweyn kooban oo loogu sameeyey guddaha garoonka ka dib wafdiga ayaa loo galbiyey guriga martida ee gobolka Bakool halkaas oo ay kulan kula qaateen golaha deegaanka degmada Xuddur, maamulka degmada Tiyeeglow iyo kan gobolka Bakool .

Mas’uuliyiintaan heer Wasiir ee magaalada soo gaaray ayaa maamulka uga warbixiyey ujeedada safarkooda, mudada ay sii joogayaan magaalada iyo kulumo ay laqaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulada iyo booqasho ay ku sameyn doonaan masaajidka weyn ee dhawaan laga dhisay iyo maxkamadaha.

Guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macalin Axmed iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka, maaliyada gobolka Bakool Maxamed Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegey in wafdigaan deegaanka lagu sugayay ayna ka rajaynayaan in ay xaliyaan arrimo badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...