Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda biniโ€™aadanninimo ee Galmudug

Date:

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle oo ku kulmay xarunta dhexe ee hayโ€™adda ayaa kawada hadlay xaaladaha adag ee baniโ€™aadannimo ee ka jira qaar ka mid ah deegaannada Galmudug, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudda Itoobiya.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sheegay in dad badan ay wajahayaan dhibaatooyin nololeed oo u baahan gargaar degdeg ah, isagoo codsaday in si dhaqsi leh loo gaarsiiyo taageero baniโ€™aadannimo.

Sidoo kale labada masuul ayaa kulankooda diirada ku saaray muhiimadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha deegaanka, iyagoo xusay fursadaha dhinaca xoolaha ee Galmudug ka jira. Madaxweyne Cali Daahir Ciid ayaa soo jeediyay in laga shaqeeyo dhismaha warshad casri ah oo lagu qalo, laguna keydiyo hilibka xoolaha, taas oo sida uu sheegay, wax weyn ka tari doonta kobaca dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo ee bulshada.

Dhankiisa, Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa ballan qaaday in SoDMA ay si degdeg ah u gaarsiin doonto gargaar dadka ay saameeyeen xaaladaha adag, isagoona muujiyay in hayโ€™adda SoDMA ay diyaar u tahay la shaqeynta maamulka Galmudug, si loo hirgeliyo warshadda xoolaha, wuxuuna sheegay in dadaalladaas lagu taageeri doono iskaashi caalami ah iyo dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...