Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Guddiyada doorashooyinka dalka

Date:

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay gudiyada hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer federaal, guddiga xalinta khilaafadka iyo xubnaha Jubaland ku mataya guddiga la taliyayaasha farsamo ee Golaha wadatashiga qaran.

Xubnaha Guddiyada ayaa waxaa ay warbixin la xiriirta arrimaha doorashooyinka siiyeen Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo sheegay in meel wanaagsan ay wax u marayaan.

Madaxweynaha ayaa xubna Guddiga ku booriyay inay dardar galiyaan shaqooyinka muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in uu halkaasi kasii wado kulamada looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...