Congress-ka oo Biden ku cadaadinaya in suxufiyiin laga soo qaado Afghanistan

Date:

Xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa Arbacadii ku cadaadiyay Madaxweyne Joe Biden inuu boqolaal qof oo xiriir wada-shaqeyn ah la leh Wakaaladda Warbaahinta Caalamiga ah ee Mareykanka ee (USAGM) in laga soo daadgureeyo Afghanistan.

Washington ay ku deg degayso wakhtiga kamadambaysta ah ee ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, kaas oo ku eg 31 -ka Ogosto.

Warqad ay Arbacadii Senator Ben Cardin iyo William Keating u direen madaxweyne Biden ayay ku sheegeen in ilaa 550 qof oo shaqaalaha USAGM iyo qoysaskooda ay weli isku dayayaan inay ka baxaan Afghanistan.

“Waxaan idinku adkayneynaa in 550 oo ka mid ah shaqaalaha USAGM iyo qoysaskoodu aysan ka duwaneyn weriyayaashii aad hore uga soo qaaddeen Afghanistan,” ayaa lagu yiri warqaddan, iyagoo xusuusiyay maamulka Biden in dhowr hey’adood oo ka tirsan warbaahinta Mareykanka ay shaqaaladooda u soo daadgureeyeen.

“Xiriirka ay la leeyihiinn dowladda Mareykanka darti waxay wariyeyaashan weli bartilmaameed u yihiin Taalibaan” ayaa lagu yiri warqaddan.

Dadaallada daadguraynta suxufiyiinta Afghanistan ayaa kordhay toddobaadkan, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dagaalyahannada Taalibaan ay baarayeen guryaha qaar ka mid ah shaqaalaha warbaahinta.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Taalibaan ayaa baartay guryo ay leeyihiin ugu yaraan shan suxufi, sida ay sheegeen ururada u dooda xuquuqda warbaahinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...