Wasaaradda Beeraha XFS oo tababar qaab-beerashada adkeysiga u leh Abaaraha u furtay qaar kamida shaqaalaha “SAWIRRO”

Date:

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa tababar ku saabsan qaab-beerashada adkeysiga u leh Abaaraha u furtay qaar kamida shaqaalaha Wasaaraddaha Beeraha ee heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed

Qaab-beerista adkeysiga u leh abaaraha , cudrurada iyo aafooyinka, sida ugu wanaagsan ee looga faa’iideysan karo Waraabka iyo la tacaalida dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka cimilada ayaa Xooga lagu saari doona mudada shanta cisho ah ee uu socon doono tababrkan oo loogu talo galay inay ka faa’iideystaan shaqaalaha wasaaradaha Beeraha ee heer Federaal iyo heer maamul goboleed.

Tababarka oo ay casharadiisa bixinayaan qubaro ka socota Jaamacada Umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa fulintiisa iska kaashanaya wasaaradda Beeraha iyo hey’adda Save the children,Waxaana maalgelinaya Bangiga horumarinta Africa oo soo marsiiyay urur Goboleedka IGAD.

Dr Cabdi Daahir – madaxa mashruuca Qaab-beerista adkeysiga u leh abaaraha iyo madaxa mashaariicda  Save The Children- ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya Cali Cabdi Wehliye ayaa ka hadlay muhiimada tababarkan.

Agaasimaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Nuur Yuusuf  Nuur oo tababarka furay ayaa xusay in barnaamijkan  ay ugu talogaleyn in ay sare ugu qaadaan aqoonta Shaqaalaha Wasaaradaha Beeraha ee heer Federaal iyo heer maamul goboleed, si looga dhabeeyo hadafka ah inuu dalku gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...