Uganda oo Maanta qaabishay Qaxootigii ugu horreeyay ee Reer Afghanistan ah

Date:

Saraakiisha Uganda ayaa xaqiijiyay in dalkoodu uu maanta oo Axad ah qaabilayo 145 qof oo ka mid ah qaxootiga laga soo daadgureynayo dalka Afghanistan, waxaana wadahadal maalmo qaatay kadib, Uganda ay oggolaatay marti-galinta qaxootiga Afghanistan.

Arrintan ayaa imaaneysa maalin kadib markii si kumeel gaar ah loo hakiyay daadgureynta Kabul, sababo la xiriira xarunta qaabbilaadda dadka qaxaya ee dalka Qatar oo buux dhaaftay.

Esther Anyakun oo ah wasiir ku xigeenka Wasaaradda U-diyaargarowga Musiibooyinka iyo Qaxootiga, ayaa VOA u sheegtay in hay’adda Laanqeybta Cas ee Caalamiga iyo hay’adaha kale ee iskaashiga la leh ay dowladda Mareykanka kala shaqeynayaan sidii maanta dalka Uganda loo keeni lahaa 145 qof oo horudhac u ah dadka la soo daadgureynayo.

Horraantii toddobaadkan, ayay Anyakun sheegtay in Uganda ay aqbali doonto illaa 2,000 oo qaxooti Afghanistan ah, inkasta oo mas’uuliyiin kale ay sheegeen in arrintu weli tahay mid laga doodayo.

Wasiirka Gargaarka, U -diyaargarowga Musiibooyinka iyo Qaxootiga ee Uganda, Hillary Onek, ayaa subaxnimadii Sabtida u sheegay mid ka mid ah Idaacadaha maxalliga ah ee dalkaas in qaxootiga Afghanistan ka imaanaya ay u badan yihiin haween iyo carruur, wuxuuna intaas ku daray in magaalada Entebbe looga diyaariyay hoteeladii ay degi lahaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....