Uganda oo Maanta qaabishay Qaxootigii ugu horreeyay ee Reer Afghanistan ah

Date:

Saraakiisha Uganda ayaa xaqiijiyay in dalkoodu uu maanta oo Axad ah qaabilayo 145 qof oo ka mid ah qaxootiga laga soo daadgureynayo dalka Afghanistan, waxaana wadahadal maalmo qaatay kadib, Uganda ay oggolaatay marti-galinta qaxootiga Afghanistan.

Arrintan ayaa imaaneysa maalin kadib markii si kumeel gaar ah loo hakiyay daadgureynta Kabul, sababo la xiriira xarunta qaabbilaadda dadka qaxaya ee dalka Qatar oo buux dhaaftay.

Esther Anyakun oo ah wasiir ku xigeenka Wasaaradda U-diyaargarowga Musiibooyinka iyo Qaxootiga, ayaa VOA u sheegtay in hay’adda Laanqeybta Cas ee Caalamiga iyo hay’adaha kale ee iskaashiga la leh ay dowladda Mareykanka kala shaqeynayaan sidii maanta dalka Uganda loo keeni lahaa 145 qof oo horudhac u ah dadka la soo daadgureynayo.

Horraantii toddobaadkan, ayay Anyakun sheegtay in Uganda ay aqbali doonto illaa 2,000 oo qaxooti Afghanistan ah, inkasta oo mas’uuliyiin kale ay sheegeen in arrintu weli tahay mid laga doodayo.

Wasiirka Gargaarka, U -diyaargarowga Musiibooyinka iyo Qaxootiga ee Uganda, Hillary Onek, ayaa subaxnimadii Sabtida u sheegay mid ka mid ah Idaacadaha maxalliga ah ee dalkaas in qaxootiga Afghanistan ka imaanaya ay u badan yihiin haween iyo carruur, wuxuuna intaas ku daray in magaalada Entebbe looga diyaariyay hoteeladii ay degi lahaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...