Wasiiru dowlaha ahna kusimaha Wasiirka wasaaradda arrimaha guddaha Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowlad goboleedka Galmudug ayaa tababar socondoona mudo 4 maalin ah uga furtay Degmada Dhuusamareeb shaqaalaha dowladda hoose ee degmada dhuusamareeb
Tababarkaan mudada uu socdo waxaa lugu baran doonaa nidaamka maaraynta shaqaalaha Dowladda Hoose iyo siyaasadda shaqaalaha dowladda hoose
Wasaaradda arrimaha guddaha oo ka duulaysa waajibaadkeeda ku aadan tayeynta awoodaha maamul ee dowladaha hoose ayaa maalmahan ku howlan tababaro kor loogu qaadayo aqoonta iyo tayada Dowladaha Hoose.