Sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya qeybta Galmudug oo ka digay ciidanku siyaasadda ku milmo

Date:

“Hadaan ciidamada iyo saraakiisha booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Galmudug waxaa la rabaa inaan siyaasadda banaanka ka ahaano, sida uu Ra’iisul Wasaaruhu nafaray oo aan ka shaqeyno amniga doorashooyinka, anagoo u kala eexan musharaxiinta,” ayuu yiri Gaashanle Cumar Cabdi Shire Taliyaha booliska deegaanka Ceeldheere oo maanta warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka booliska deegaanka Ceeldheere oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb Gaashanle Cumar Cabdi Shire ayaa ka warbixiyey ammaanka deegaankaas oo hadda si weyn loo adkeeyey, si looga hor tago dhagarta argagixisada Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa xusay in amniga deegaanka uu yahay mid la isku haleyn karo, isagoo digniin u diray dadka ka been abuuraya Nabadgelyada deegaanka ee faafinaya warar lid ku ah amniga, ayna ku qaban doonaan gacan bir ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...