Sawirro: Cutubkii u horeeyay gabdho kamid noqonaya Haramcad oo tababar loogu qaaday Turkiga

Date:

Waxaa galabta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga dhoofiyey cutubkii ugu horeeyay ee gabdho kamid noqonaya ciidanka booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo tababar heer sare ah ku soo qaadanaya dalka Turkiga.

Gabdhahaan oo gaaraya 49 askari waa kuwii ugu horeeyey oo iyagoo hal cutub ah ay dowladda Soomaaliya tababar ugu dartay dalka dibadiisa, waxayna bilihii lasoo dhaafay tababar hor dhac ah ku qaadanayeen xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ka mid ahaa saraakiishii gabdhahaan ka sagootisay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in gabdhahaan ay dowladda Soomaaliya ku soo xulatay aqoon iyo karti, waxuuna kula dar-daarmay inay noqdaan kuwii difaaci lahaa sharafta iyo nabad geliyada shacabka Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyey in si nabad ah ku soo qaataan tababrka galabta loogu qaaday dalka Turkiga.

Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed oo goobta sagootinta ku sugneed ayaa gabdhahaan kula dardaarantay  inay muujiyaan isku duubni iyo karti dheeraad ah, qarankoodana ay u hiiliyaan.

Ciidanka gabdhahaan lagu biirinayo ee Haramcad oo tiro ahaan ku dhaw 1,000 waxay ka mid yihiin ciidamada soo kobcaya ee howlgalladooda la mahdiyey, waxaana tababarkooda dowladda Soomaaliya ku gacan siiday dowladda Turkiga, haatan waxay ka kala howlgalaan magaalooyin badan oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...