Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo sagootiyay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay “SAWIRRO”

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo Sabti ah, xarunteeda Caasimadda Muqdisho, lagu qabatay xaflad lagu sagootinayay Mudane Qin Jian, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay.

Intii lagu gudo jiray xafladda, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa bogaadiyay dadaallada ballaaran ee Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu la yimid intii uu ka shaqaynayay Soomaaliya, taasoo gacan ka gaysatay horumarinta xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sare u qaadiddiisa si looga dhabeeyo dano wadaagga labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Dhankiisa, Mudane Qin Jian ayaa uga mahadceliyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhammaan mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taageerada iyo iskaashiga ay u muujiyeen oo ka qeyb qaadatay guusha shaqadiisa, isagoo u rajeeyay Soomaaliya horumar joogta ah iyo barwaaqo.

Dhammaadka xafladda, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa guddoonsiiyay Safiirka Shiinaha ee muddo xileedkiisa shaqo ee Soomaaliya ay ka dhammaatay hadiyad xusuus ah, isagoo guul u rajeeyay shaqooyinka uu qaban doono mustaqbalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra”iisulwasaaraha XFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleed waqooyi Bari

Ra”iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr: Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiilada D/g waqooyi Bari

Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...