Wasiirka Caddaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa saraakiil uu hogaaminayey Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan iyo kooxda Fanka ee Onkod Afur ugu sameeyey xarunta Wasaaradda
Kulankaan Afurka ayaa inta lagu guda jiray Wasiirka wxuxuu saraakiisha asluubta ka xogweraystay howlaha adage ee dalka iyo dadka u hayaan ciidanka asluubta, iyaga oo ugu waramay halka ay howshu marayso
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa uga mahadceliyey la kulanka iyo afurka uu u sameyey saraakiisha uu ka mid yahay.
Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in shaqo adag oo ah waajib Qaran ay ciidanka asluubta Soomaaliyeed u hayaan bulshada, isaga oo intaas raaciyey inay ciidanku mudanyihiin in lagu dhiiri geliyo shaqada ay hayaan.
Habeen ka hor ayey ahayd markii Wasiirka Cadaaladda iyo Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ay afur la yeesheen saraakiisha ku howlan Amniga magaalada Muqdisho.