Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaaradda Gaashaandhigga Axmed Cabdi Kooshin ayaa kulan ku saabsanaa dardargalinta howlaha shaqo ee xafiiska ka hortagga askareynta carruurta ee Wasaaradda Gaashaandhigga la qaatay howlwadeennada xafiiskaas oo uu wehliyo Agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda Maxamuud Cali Axmed Fanax.
Mas’uuliyiintu waxay si qota dheer u falan-qeeyeen qorshe howleedka CPU ee 2021-2022, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo howlaha hortabinta leh ee horyaalla Wasaaradda .