Taliska Booliska oo sheegay in dad loo soo qabtay falkii foosha xumaa ee saaka ka dhacay Baydhabo

Date:

War qoraal ah oo ay soo saareen taliska booliska ayaa lagu sheegay in falkii lagu gowracay labo carruur ah oo walaalo ah loo soo qabtay dad lagu tuhmayo, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah, isla markaana cadaaladda la horgeyn doono haddii ay ku cadaato falkaasi.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Taliska booliska ayaa sidan u qornaa:-

Shalay 07th-Apr-2021, ayaa Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, lagu soo wargeliyay in la waayay 2 carruur ah oo deganaa Xaafadda Cadaada ee magaalada Baydhabo, carruurtaas oo lagu kala magacaabi jiray :-

1- Cabdimuni Sheekh Aweys Cabdullaahi &

2- Aamina Sheek Aweys Cabdullaahi.

Warbixinta oo la soo gaarsiiyay Booliska ayaa sababtay in la geliyo diiwaanka, baafinta Booliska iyo idaacadaha magaalada Baydhabo.

Saaka 08th-Apr-2021, ayaa markale Boolisku ka warheleen in meydka carruurta oo gowracan la soo dhigay Xaafadda Suuqa-Xoolaha ee magaalada Baydhaba.

Haddaba, waxaa socota baaris qoto-dheer oo ay wadaan Ciidanka Booliska, iyadoo dad lagu tuhmay loo soo xiray arrintaan, walow ay baaristu weli socoto, ciddii ay ku cadaatana Garsoorka awoodda u leh lawaafajin doono.

Waxaan uga tacsiyeeyneynaa, Xildhibaan hore Aweys Sheek Cabdulahi falkaas foosha xun iyo geerida ku timid carruurtiisa, waxaana ilaahay uga rajeynaynaynaa inuu qalbiga u qaboojiyo, Samir iyo iiman ka siiyo, baddal qeyr qabana siiyo.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...